Nagu Saabsan


 Figradda maktabada dadweynaha ee Berbera waxay dhalatay oo la shaaciyey 29-kii Feb 2011, kulan ay isugu yimaadeen Berbera Reader Club, aqoonyahanada deegaanka, odayaasha magaalada iyo ganacsatadeeda, kulankaas oo ka qabsoomay aqalka barnaaminyada Akaadamiyadda  badda iyo Kalluumaysiga ee Berbera; Si kastaba, waxay ahayd uun figrad la soo jeeday, taas oo  riyo isu rogtay.
Sannadkii 2013, waxay ahayd xilligii ay dawladdu nadiifisay goobtii ugu habboonayd ee maktabadda oo Dawladda Hoose ay si guul leh u rartay dadkii ku noolaa aaggaas.
Isla sannadkaas, madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud, wuxuu dhagax dhigay dhismaha dhigaalyaalka/maktabadda.
Waxqabadka ayaa hadal ka dhawaq dheere e, 2014kii Duqa Berbera Md. Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin), wuxuu xubno guddi ah u saaray dhismaha iyo maaraynta maktabadda. Guddidaasi waxay ka kooban tahay shan xubnood oo bulshada ka tirsan.
Wejigii ugu horreeyay ee maktabadda waxaa la bilaabay dhammaadkii 2014, waxaana muddadaas lagu guuleystay aqalbarnaamijeed (Hall) weyn iyo deyr si guul leh loo dhisay.
Laba gu’ gudahood, ka soo bilow Diisanbar 2015 ilaa Diisanbar 2017, maktabaddii dadweynaha ee Berbera oo muddo dheer la sugayey ayaa la dhammaystiray. Xafladdii furitaankana waxaa si rasmi ah ay u qabsoontay 22kii Abriil 2018.

Howlgalka
 Inay noqoto xarunta horseedka u ah akhristayaasha iyo qorayaasha mustaqbalka ee Somaliland, iyadoo soo jiidanaysa muwaadin firfircoon oo qoraal ah. Maxaa yeelay cidda uu qoro weligeed ma dhinto. 

Himilada
 Inuu noqdo maktabada ugu caansan Somaliland soona saarta akhristayaal wax soo saar badan u leh bulshada, isla markaana dhiirrigeliya qorayaasha mustaqbalka lana abuuro caadifad qorista bulshadayada.

ADEEGYADA

1-Waxaanu ugu deeqnaa buuggaaga maktabadaha kale
2-waxaanu tabooyin siinnaa qorayaasha socod baradka ah si ay ugu koraan qoraayo qaan gaadh ah.
3- Waxaanu goob ku munaasiba siinnaa qorayaasha, cilmi-baadhayaasha iyo dhaqdhaqaaqaha aqoonta.
4-waxaanu bixinaa tababarro iyo kulanno dhiirigelineed
5- waxaanu fagaare siinnaa da'yarta iyo hibolayda bulshada
6- waxaanu u fududaynaa goobaha waxbarashada in ay gaadhaan guulahooda waxbarasho
7- waxaanu bulshada u soo marti qaadnaa aqoonyahanno ka hadla mawduucyo kala duwan.

8- waxaanu qabanaa barnaamij carruureed todobaadle ah
9- waxaanu is barbartaagnaa dhaqdhaqaaq kasta oo togan, bulshadana faa'ido u leh

10- waxaanu marwalba u sare joognaa la dagaalanka jahliga iyo dabargoynta qoris/akhris la'aanta


ABABIYE
Dabayaaqadii sannadkii 2018, waxa Rugta Kutubta Berbera laga hirgeliyay barnaamij carruureed xiiso badan.
Barnaamijkan oo mar dambe magaca ‘Ababiye’ loo gartay, waxa uu ku bilaabmay si sahlan oo ay koobnaayeen ka soo qay gelayaashiisa carruurta ahi.
Tayadiisuna ma ay aad u sarraynin bilihii hore.

Ababiye, waxa uu si joogto ah u dhacaa maalin kasta oo Khamiis ah gelinkeeda dambe bilaha qaboobaha ah oo dhan, Waxa Rugta ku soo xaadira iyaga oo si weyn u xiisaynaaya carruurta magaalada, gaar ahaan kuwa dugsiga hoose ku jira.

No comments:

Post a Comment